Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Xogta isku shaandheyntiisa la filayo
Hargeysa Dec 25 2012(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa lagu wadaa in horaanta sanadka inagu soo fool leh uu isku shaandheen ku sameeyo Xukuumadiisa.
Isku shaandheynta oo xogo ku saabsani ay soo gaadheen shabekada somalidiasporanews.com/qurbejoog.com ayaa tibaaxaya in madaxweyne Axmed Siilaanyo damacsan yahay in xilala wasiirnimo oo muhiima ku taxo xubno hore uga tirsanaa Xukuumadii Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin.
Xubnaha ilaa hada la hadal hayo ee uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo damacsan yahay in uu xilalaka wasiirnimo u magaacabo ayaa waxa ka mid ah Wasiirkii hore ee Maaliyada Cawil Cali Ducaale,wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha Guddaha Ismaciil Aadan Cismaan Ismaaciil Yare iyo Duqii hore ee magaalada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir.
Hadii Madxweyhana Somaliland oo ka soo baxay xisbiga Kulmiye uu xubno UDUB ahaa ku biiriyo gollaha Xukuumada waxa ay dhabar jab iyo kala dhaqaaq ku noqon kareysaa xisbiga Kulmiye.
Waxaan ilaa hada cadeyn sababta uu masuuliyiintan haatan xilalka wasiirnimo ugu magacaabayo,balse wixii faalo iyo xoga ee arinkan ku soo kordha halkan kala soco mustaqbalka dhaw.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com