|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo Iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Saaka Kormeer ugu ambo baxaya Gobolada dalka iyo Ujeedadda ka danbaysa

Hargaysa 04.April 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Wefti uu Hogaaminayo ayaa la filayaa inay Saaka Socdaal ugu Kicitimaan Gobolada dalka.
kormeerkii-madaxweynahaWarar Shabakada Qurbejoog.com ka heshay ilo wareedyo u dhuun daloola dhaq dhaqaaqa ka socda Qasriga Madaxtooyadda ayaa Sheegaya inuu Madaxweyne Siilaanyo Maalintii Shalay go’aansaday inuu soo Kormeero dadka iyo duunyada ku dhaqan Gobolada dalka intooda badan si uu xog ogaal ugu noqdo Tawsta iyo Tabaalaha ay keentay Xaalada abaareed ee ka jirta Deegaamadda kala duwan ee dalka taas oo saamayn taban ku yeelatay Nolosha dadka iyo Duunyadda.

Tibaaxuhu waxay sheegayaan in Weftiga Madaxweynaha ay qayb ka noqon doonaan Xubno Sare oo ka tirsan Gudidda heerka qaran ee Gurmadka abaaraha,Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadiisa,Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo Madax ka socota Golayaasha qaranka,Warku wuxuuu intaas ku darayaa in Madaxweynaha uu Qorsheeyay Sidii Gurmad hor leh loo gaadhsiin Lahaa Goobaha ay abaartu xiligan ugu daran tahay.

images (1)Weftiga uu Hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Lugta Safarkiisan ka bilaabi doona Goboladda Gebilay,Awdal iyo Salal.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland isla markaana ah Gudoomiyaha Gudida heerka qaran ee Gurmadka abaaraha ayaa sadex cisho ka hor ka soo laabtay Gobolada Galbeedka ee dalka .

Sidoo kale Dabayaaqadii Todobaadkii Tegay ayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo Waxa uu Shaaciyey inuu qaatay go’aan uu ku hakinayo diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo qorshuhu ahaa inay ka bilaabanto Gobolka Maroodijeex 2-dii Bisha April isagoo sheegay inuu qaraarkaas u qaatay Xaalada ba’an ee abaarta dalka ka taagan.

Comments are closed