|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Caddaalada Afarta Wasiir ee uu Adeerka u Yahay

Hargaysa 06. December 2016 (SDN/QJ):-Muddo ku siman 7 sannadood oo uu Madaxweyne Siilaanyo xilka hayay, wuxuu toddobaadkan sameeyay isku shaandhayn, magacaabis iyo xil ka qaadistii u dambaysay.

Madaxweyne Siilaanyo, digreetadiisan u dambaysay oo saamaysay in ka badan lixdan masuul, waxa ay saamaysay dhammaan beelaha Somaliland ee ku bahoobay qaranimada Somaliland, marka laga reebo beesha uu ka soo jeedo oo aanu sidii looga bartay ku samayn xil ka qaadis. Taas bedelkeedna wuxuu u soo kordhiyay jagooyin cusub oo hor leh.

Weli lama arag, Madaxweyne Siilaanyo oo mudadaas uu talada hayay xilka ka qaaday wasiir ka soo jeeda beesha uu ka dhashay, taas oo yaab ku noqotay shacabka Somaliland.

Wasiirada la kowsaday  xukuumad Madaxweynaha, qaarkoodna ay dhawaan qabteen, balse  la filayay in  madaxweynuhu ugu yaraan haddii aanu xilka ka qaadayn uu ku sameeyo isku bedel, waxa  ka mid ah

1. Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi

2. Wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducaale

3. Wasiirka dib u dejinta Cali Siciid Raygal

4. Wasiirka hawlaha guud Cali Xasan Maxamed

Arrintan oo ah hadal haynta ugu badan ee ka soo baxday labadii digreeto ee ay labada bilood u dhexeeyeen ee madaxweynuhu ku sameeyay xukuumadiisa, ayaa noqotay su’aasha koowaad ee la isweydiinayay markii ay digreetadii madaxweynuhu toddobaadkan soo baxday, waxaana rumowday saadaasha in badan oo shacabka ka mid ahi iftiiminayeen oo ah inaanu madaxweynuhu taaban doonin wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee beeshiisa.

Waxaanu Madaxweyne Siilaanyo sidaas ku noqonayaa madaxweynihii u horeeyay ee taariikhda Somaliland soo mara ee aan xil ka qaadis ku samayn wasiirada beeshiisa, iyadoo la xasuusanyahay sidii ay Madaxweynayaashii hore ee Marxuum Cigaal iyo Daahir Rayaale mar kasta oo ay isku shaandhayn sameeyaan ugu horaysiin jireen masuuliyiinta beelahooda oo ay weliba qaarkood xabsiyo dhigeen.

Si kastaba ha ahaate, sababta keentay in madaxweynuhu ka war-wareego wasiirada beeshiisa, ayaa ah su’aal uu shacabku isweydiinayo, waana su’aal aanay filayn in madaxweynuhu uga jawaabo, laakiin taariikhda geli doonta.

Comments are closed