|

Madaxweyne Al-bashiir Oo Ku Tiiq-tiiqsaday Tallaabadii Mackamadda ICC-du ku Hakisay Dambigii Isaga Ka Dhanka ahaa

Khartoum:Dec,14,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dalka Islaamiga  ah ee Sudan Xasan Al-bashiir ayaa si ku tiiq-tiiqsi leh uga Fal celiyey Tallaabadii dhawaan Maxkamadda Dambiyada Dagaalka ee ICC-du ku Hakisay Damiyadii loo Haystay Saraakiil Reer Sudaan ah oo uu isagu Hormuud u ahaa.

al bICCda ayaa 2009-kii ku eedaysay Cumar Xasan Al-Bashiir inuu 2003-dii ka gaystay dambiyo gobolkaasi, hasayeeshee waxa uu diiday inuu aqoonsado jiritaanka maxkamadda.

Madaxweyne Al-Bashiir, ayaa sheegay in ICC-du ay ku guuldaraysatay iskudaygii ay ku doonayeen inay ku bah-dilaan Suudaan.

Al-Bashiir ayaa sheegay in dadka Suudaan ay u midoobeen maxkamadaha gumeysiga oo uu u arko meel Madaxda Afrikaanka ah lagu bahdilo.

Darfur ayaa waxaa ka taagnaa qalalaase tan iyo sanadii 2003-dii markaas oo ay fallaagadu hubka qaateen.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 300,000 oo qof ay noftooda halkaasi ku waayeen, dadkaasi ayaa intooda badan u dhintay cuduro.

Bishii la soo dhaafay, Suudaan ayaa waydiisatay Ciidammada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee (UNAMID) in ay xidhaan xafiiskooda xuquuqul insaanka ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

Tallaabadan ayaa timid xilli xiisado ay ka taagan yihiin iskuday uu howgalku ku doonayay inuu ku baadho eedaymo sheegaya in ciidammada Suudaan ay kufsi wadareed ka gaysteen tuulada Taabit ee gobolka Daarfuur.

Sikastaba, Suudaan ayaa sheegtay in baadhitaan u gaar ah oo ay sameysay aanay ku helin wax caddeyn ah oo qeexaya in cid la kufsaday.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed