Madaxweyne Adama Barrow oo dib ugu laabtay dalkiisa, si diirana loo soo dhoweeyey (Daawo Sawirro)
Gambia 27. January 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha cusub ee dalka Gambia, Adama Barrow ayaa dib ugu laabtay dalkiisa si uu awooda ula wareego.
Shacab fara badan ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha ee caasimadda Banjul, iyadoo Barrow lagu dhaariyay dalka Senegal todobaadkii hore.
Madaxweyne Barrow waxaa safarkiisa ku wehliya ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan galbeedka Afrika Maxamed ibn Chambas iyo masuuliyiin kale.
Madaxda galbeedka Afrika ayaa ku qanciyay madaxweynihii hore ee dalkaasi Yaxya Jammeh inuu xilka baneeyo isbuucii la soo dhaafay, isagoo hadda ku sugan dalka Equatorial Guinea.
Barrow ayaa laga dalbaday inuu si deg deg ah dalkiisa ugu noqdo si looga baaqsado in dalku uu hogaamin waayo.
Kumannaan ciidammo ka socdo dalalka galbeeda Afrika ayaa ku sugan dalka Gambia iyadoo ay jiraan warar sheegaya in ciidammo wali taabcan Jameh ay ka tirsan yihiin xooggaga amniga Gambia.