|

“Madaxweynahaa Go’aan Qaatay Oo Yidhi Hala Fasaxo, Saddex Boqol Oo Xujaaj Ah Oo Madaarka Loogu Xanibay Baasaaboorka…….” Wasiirka Duulista Hawada

Hargaysa 03. February 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa Shalay hor-tagay Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland.

Wasiir Farxaan Aadan Haybe oo kulanka oo la yeeshay Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada ka dib, la hadlay Saxaafadda ayaa mar kale ka warramay ujeeddada Xukuumaddu u fasaxday isticmaalka Baasaaboorrada Soomaaliya ee dalka Gudihiisa lagu sameeyay wixii ka horeeyay sannadkan cusub, waxaanu sheegay inay keentay Duruuf la xidhiidha dhanka Xajku.

Wasiirka Duulista Somaliland wuxuu ka sheekeeyay Mushkilad hore u kala qabsatay Xujaaj reer Somaliland ah oo doonayey inay Madaarka Hargeysa kaga baxaan Baasaaboorka Soomaaliya oo intaan xilka Wasaaradda Duulista loo Magacaabin Xukuumaddu joojisay, waxaanu yidhi, “Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde go’aan buu ka soo saaray Baasaaboorkaa (Soomaaliya), waxaanu yidhi Gebi ahaaba laguma dhoofi karo. Saddex Boqol oo Xujaaj ah oo tuban baa Aniga la i Magacaabay, Anigoo Saddex Cisho jooga oo aan Xilkaba la wareegin baa la ila soo hadlay oo la yidhi Saddex boqol oo xaaji oo Xajka tagaya ayaa ku xaniban Madaarka, waxaan idhi maxaa loo xanibay, ? waxa la igu yidhi waxa loo xanibay Baasaaboorkii Soomaaliya ee Wasaaradda Arrimaha guduhu Mabnuucday ayay sitaan.”

Wasiir Farxaan oo Arrintaasi sii sharraxaya, ayaa sheegay, “Waxaan is-waydiiyey haddaad Qof Xajka tagaya aad tidhaahdo tagi maysid oo ILAAHAY dartii u tagi maysid dee Inkaar baa ka dhaceysa. Waxaanu la tashanay wakhtigaa Madaxweynaha oo Safar ku marayey Ceerigaabo, isagaana Go’aan qaatay oo yidhi ha loo fasaxo” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Duruufahaasi ka mid yihiin Sababta keentay in Xukuumaddu fasaxdo Baasaaboorka Soomaaliya ee Somaliland gudaheeda lagu sameeyay wixii ka horeeyay sannadkan, “Imika waxaanu aragnay Duruuftii oo taagan in Xajkii iyo Cimradii kale ina soo gelayso, markaa waxaanu is-nidhi intii Xajka iyo Cimrada kale idiinku soo geli lahaa, ee inkaari idinku kala dhici lahayd Xujaajta iyo Culimada, wax u sii fududeeya oo waxaad tidhaahdaan wixii January 2017 ka horeeyay ee meeshii la doono ha lagu sameeyo, haddii la doono halkan (Somaliland) ha lagu sameeyee waa fasax, wixii ka ka bilaabma bisha January Dalka gudihiisa laguma qaadan karo (Baasaaboorka Soomaaliya), Sababtuna waxa weeyaan waxaynu nahay Qaran jira.”ayuu yidhi.

Comments are closed