Madaxweynaha Yugandha Yoweri Museveni oo ku Guulaystay Doorashadii Madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacday
Hargaysa 20. February, 2016 (SDN/QJ):- Gudiga Doorashooyinka ee Dalka Yugandha ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Yoweri Museveni uu ku guulaystay Doorashadii madaxtinimo ee Dalkaasi. Waxaana natiijada doorashada diiday Xisbiga ugu weyn mucaaradka oo ku sheegay doorasho la khiyaameeyey.
Shabakada wararka ABC News ee Dalka maraykanka aya baahisay in Mr Museveni uu helay codad gaadhaya 5,617,503 oo noqonaya 60.7%, halka musharaxa ugu weynaa mucaaradka Kizza Besigye oo ah hogaamiyaha Xisbiga Isbedelka Dimuqraadiyadda uu helay 35% codadkii la dhiibtay.
Gudiga kormeerayaasha doorashadaasi eek a socday midowga yurub ayaa waxa ay sheegeen in Gudiga doorashooyinka ee dalkaasi aanay haysan madaxbanaanidii lagama maarmaanka ahayd, ayna adag tahay inay helaan kalsoonida dhamaan dhinacyada tartamaya.
Madaxweyne Museveni iyo taageerayaashiisa ayaa wada dabaaldegyadii guusha doorashada xilli uu musharixii xisbiga u weyn Mucaaradku ku jiro xabsi guri oo ay dusha kaga ilaalinayaan ciidamada ammaanku.