|

Madaxweynaha Yemen oo mugdi geliyay heshiis uu dhawaan sexeexay iyo Mareykanka oo ka fiirsanaya codsi dalku gal

Sanca Dec 27,2011(qurbejoog.com)-Madaxweynaha Dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa sheegay shalay in uu dalka mudo kooban ka maqnaan doono oo uu tegi doono Mareykanka balse uu soo noqon doono.

Kooxaha isbedel doonka ah ee dalkaasi ayaase walaac ka muujiyay hadalkan o lidi ku ah heshiis uumadaxweyne Saalax dhawaan sexeexay.

Madaxweyne Saalax ayaa sheegay in uu maqnaan doono uun inta doorashooyinka madaxtooyadu dalkaa ka dhacayaan ka dibna uu soo noqon doono kiyoo mucaarid ah.

Kooxaha Mucaaridka iyo dalalka daneeya siyaasada Yemen ayaa isku si ula yaabay weedhan ka soo yeedhay madaxweyne Saalax oo intan danbaba u dhaqmayay sidii in uu ka noqday haeshiiskii uu mucaaridka la galay.

Geesta kale dawlada Mareykanka ayaa sheegatay in ay madaxweynaha Yemen siin doonto uun dalku galka hadii uu halkaa u tegayo uun xaalad caafimaad.

Madaxweynaha ayaa hore dhaawacyo khatar ah waxa ay uga soo gaadheen isku day dil oo lala beegtay bishii Juun ee ina dhaaftay.

Xilgaa ayaa madaxweynuhu tegay dalka Sucuudiga oo lagu soo yara daweeyay.

 

Qurbejoog-Sanca

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed