Madaxweynaha Xasan Sheekh oo si Weyn loogu Soo dhaweeyay Magaalada Magaalada New York
New York 24.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo Afar iyo Labaatankii saac ee la soo dhaafay ku sugnaa gobolka Ohoi ayaa gaaray magaalada Newyork ee isla dalka Mareykanka, haalkaasoo uu kaga qeybgelidoono kulanka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay oo ka furmaya magaaladaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mudadii uu joogay gobolka Ohoi waxaa uu kulamo la qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool gobolkaasi, madaxda Jaamacada Ohoi iyo qaar ka mid ah xildhibaano ka tirsan dowlada Mareykanka.
Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in kulanka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay uu ka jeediyo khudbad dhinacyo badan taabaneysa, taasoo uu kaga hadlayo xaalada dalka Soomaaliya iyo taageerada looga baahanyahay caalamka.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu safarkiisa soo afmeero maalmaha soo socda isagoo intuusan safarkiisa soo afmeerin uu la soo kulmi doono madax badan oo wadanka mareykanka ka tirsan isla markaasna kala hadli doono sidii dawladiisa looga caawin lahaa la dagaalanka argagixisada.
New York SDN.
Qurbejoog.com