Madaxweynaha Xasan Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kana Hadlay Arrimo Badan
Muqdisho 05.Aug (SDN) Wafdigii uu hogaaminayay madaxweynaha soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa galabta dib ugu soo laabtay ka dib markii uu magaalada Kambala ee caasimadda dalka Uganda uga soo qeyb galay shirkii ay ka qeyb galayeen madaxada wadamada ciidamada ay ka joogaan soomaaliya.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay guddoomiyaha baarlamaanka soomaaliya mudane Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari),ra’iisul wasaaraha xukuumada soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka kala socday labada gole.
Madaxweynaha soomaaliya oo garoonka kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirkii uu uga soo qeyb galay magaalada Kambala oo ay ka qeyb galeen madaxda wadamada ay ciidamada ka joogaan soomaaliya looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira sidii loo dhisi lahaa ciidamada soomaaliya,loona xoojin lahaa ciidamada AMISOM ee ka howl gala gudaha dalka soomaaliya.
Madaxweynaha soomaaliya ayaa sheegay in shirkaasi looga hadlay sidii dowlada soomaaliya loo gacan siin lahaa si ay horoy ugu socoto,maadaama waqti cusub la galay.
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa tilmaamay in shirka Kambala lagu soo hadal qaaday arrimaha gobollada Jubbooyinka,isagoo sheegay in waxyaabaha ka soo baxay shirkaasi ay maslaxad u yihiin shacabka ku dhaqan gobollada Jubbooyinka.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Kambala waxa uu kulamo gooni gooni ah la yeeshay madaxda wadamada Kenya,Uganda iyo Ethopiya.
Madaxweynaha soomaaliya ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxa ay ku sugnaa magaalada Kambala ee caasimadda dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galay shir ay lahaayeen madaxda wadamada ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com