|

“Madaxweynaha waxan leeyahay Nin weyn baad tahay waana lagu sharfaye sharaftaada ilaasho oo yaan dad dan lihi…”Faysal Cali Waraabe.

Hargeysa:Oct,28,2014(SDN/QJ)-Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa faahfaahiyey fikirkiisa ku aaddan khilaafka ka dhex aloosan Mudanayaasha Golaha Wakiillada somaliland oo haatan laba garab u kala fadhiya.

ninweyGuddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Maanta la Hadlay Warbaahinta Madaxa Bannaan,ayaa sheegay in loo Baahan sidii loo dhamayn lahaa khilaafkaas si meesha looga saaro muranka iyo is qabqabsiga soo kala dhexgalay Golihii sharcidejinta somaliland.

Guddoomiye Faysal waxa uu ugu horrayn ka hadlay Warar sheegaya inuu gadh-wadeen ka noqon doono wafti Xukuumadda ka tirsan oo la kulmi doonto siyaasiyiin caan ah oo Cali Khaliif kamid  yahay, iyadoo kulankaasna la sheegay inuu ka dhici doono Dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta,

“anigu wafti dawladeed oo Baxaya ma ogi wafti dawladeed oo aan HOggaamimayaana ma jirto, arinta Cali Khaliifna arrin aanu jecelahay inaanu la kulano ayey ahayd saddexda Guddoomiye Markii uu joogay Nairobi, kollayna anigu waxan jecelahay in qof kasta oo reer ay Somaliland ah oo wax tabanaya in lala hadlo, ilaa iyo haatana wax la ii xilsaaray ma jirto.” Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Faysal ayaa Carrabka ku ballaadhiyey khilaafka Golaha iyo sida ay isaga shakhsi ahaan ula Muuqato, waxana uu tilmaamay inay tahay wax laga xumaado oo yimi xilli aan munaasib ku ahayn,

“Aad Baan uga Xumahay iyadoo doorashadii ay inooga hadhsan tahay Siddeed Bilood oo saddexdii Guddoomiye xisbi ay markii ugu horraysay israaceen oo somaliland codkeedii oo dhan ku hadlayna ballan soo qaadnay anagoo shafka soo garaacnay, sharafna kasoo qaadnay in Haddann muran galo aad baan uga xumahay.” Ayuu hadalkiisa ku Yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Faysal oo Hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in baahi loo qabay, isla-markaana ay ahayd waajib dawladda Saaran in doorashadan soo socota ay xilligeeda qabato, si meesha looga saaro doorasho dib u dhacda,

“Shacabka somaliland waxan u sheegayaa waxaynu iibin jirtey  Waay ahayd Xorriyad saxaafadda, waxaynu iibin jirney waxay ahayd Nabadgelyada, aad baanan uga xumahay in laba jariiradood xidhan yihiin, walina cago-juglayn lagu hayo Warbaahinta. Ta labaadna waa doorashooyinka, doorashooyinkana in inaga dabada la inaga riixo oo bulshada caalamku inaga riixdo waa inagu ceeb, dawlad kastaana xilka marka ay la wareegto waxa waajibaadkeeda ah inay doorashooyinka qabato, Tii Baarlamaanka iyo tii Guurtidaa  hore inoogu soo beegmay dib baana loo dhigay haatana waxa inoo taalla tii Barlamaanka iyo Madaxtooyada, waxana ay ahayd in inagoo si fiicann u diyaar ah inay Qabanaa, markaa murankani mid loo baahan yahay ma aha, muran faa’iido ku jirtona  ma aha.”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu shaaca ka qaaday in horraanta bisha soo socota ay dalka iman doonaan wafti sare oo Deeq bixiyayaasha caalamka ka socda,kuwaas oo eegaya halka ay marayaan Diyaargarowgii doorashooyinkaasi, waxana uu nasiibdarro ku tilmaamay inay inoo yimaddaan iyadoo aan Komishankii la ansixin, waxana uu yidhi,

“Bisha soo socota 4-teeda waxa Imanaya Wafti Heer sare ah oo bulshada caalamka kuwaada dhaqaalaha ina siin jirey ah, waxana aanu hore ugu ballanqaadnay inay Yimaadaan Komishankii oo aynu ansixinay, waliba waxa waxanu ku Faanay oo nidhi Madaxweynahaanu ka codsan doonaa inuu Guurtida oo fasax ku jirta ka codsado inay fadhi yeshaan si loo ansixiyo xeerka, waxase dhacday inaanu komishankii la ansixin. Aniguna waxan leeyahay hala kala saaro komishanka iyo muranka taagan.”

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Haddii dunidu ogaato inaynu ka gaabinayno qabashada Doorashooyinka soo socda  loo leexan doono Dhinaca Somalia oo doorashooyin kusoo socdaan, waxana uu yidhi,

“Haddaynaan Sidii umadeed udhaqmin oo inaaan aduunku inaga eegayo aynaan dareensayn oo in adduunku inala leeyahay doorashooyinkaas aynaan ogayn, ceeb baa inaga raaci doonta, waxana aan idiin sheegayaa haddii beesha caalamku inaga dareento inaynu ka cago jiidayno doorashadaas waaa la inaga jeedsan doonaa o Somalia ayaa loo jeedsan doonaa.”

Guddoomiye Faysal waxa uu talo muhiim ah usoo jeediyey Madaxweynaha somaliland, isagoo ka codsaday innaanu taariikhdiisa mad madow gelin oo uu talada u hubsado,

“Madaxweynaha waxan leeyahay Nin weyn baa tahay waana lagu sharfaye sharaftaada ilaasho oo yaan dad dan lihi shaadhka kaa wasakhaynin. Dhalinyartana waxan leeyahay qabaa’ilka ka baxa maanta qabaa’ilbaa ina Haystee qabaa’ilka aynu ka Baxnno.” Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed