|

Madaxweynaha Wakhtigu ka Dhamaanayo ee Mareykanka ee Barak Obama oo Cunaqabateyn Saaraya Ruushka

Washington 29. December 2016 (SDN/QJ):- Maamulka madaxweyne Obama ayaa lagu wadaa inuu cunaqabateyn kusoo rogo dowladda Ruushka, taasoo uu uga jawaabayo faragelin la sheegay inuu Ruushka ku sameeyey doorashooyinkii madaxtinimo ee Mareykanka ka dhacay bishii November ee sanadkaan.

Wargeyska Washington Post ayaa ku warramay in Aqalka Cad uu hadda ka doodayo qaabka uu cunaqabateyn deg deg ah ugu soo rogi lahaa Ruushka, iyadoo la isticmaalayo awooda dheeraadka ah ee uu madaxweyne Obama saxiixay sanadki hore.

Awoodaha fulineed ee dheeraadka ah ayaa madaxweyne Obama u ogolaanaya inuu cuna qabateyn dhinaca dhaqaalaha ah kusoo rogi karo kooxaha ama dowladaha ku lug yeesha burcadnimada internet-ka.

Madaxwene Obama ayaa raba in cunaqabateynta Ruushka la fuliyo ka hor inta uusan xafiiska baneyn sadex toddobaad kadib.

Ruushka ayaa lagu eedeeyey in ay jabsadeen xogta internet-ka ee xisbiga dimoqraadiga iyo musharax Hillary Clinton kadibna ay faafiyeen sir badan ayaga oo ugu daneynaya Donald Trump.

Comments are closed