|

Madaxweynaha Waddanka Ganbia oo Laga Furfuri la’yahay Doorashadii Lagaga Guulaystay & Urur Goboleedka Galbeedka Africa oo Wakhti Kooban u Qabtay

Hargaysa 03. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dalka Gambia Yaxye Jamac ayaa u muuqda inaanu diyaar u ahayn inuu xilka ku wareejiyo Ninka kaga Guuleystay doorashadii madaxtinimadda ee dalkaasi ka qabsoontey bishii Decembar ee kal hore.

Urur Goboleedka dalalka galbeedka afrika ee  ECOWAS ayaa ku hanjabay inay awood u adeegsan doonaan hadii uu ka tanaasuli waayo mowqifkiisa uu ku diidan yahay inuu xilka madaxtinimadda wareejiyo 19 bishan Jeeniweri.

Madaxweynaha Doorashada Lagaga adkaadey Yaxye Jaamac oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegey inay diyaar u yihiin inay dalkooda ka daafacayaanwuxuu ugu yeedhay Cadawga.

Waxaanuu ka digey Cawaaqibka ka dhalan kara hadii ay Urur Goboleedka Ecowas ay ka noqon waayaan ayuu yidhi go’aanka ay ku qaateen iney dalkiisa Cudud millateri ku soo fara gelin doonaan haduu xilka wareejin waayo.

Comments are closed