Madaxweynaha ugu Da’da yar ee Faransiiska oo Qurxinta Jidhkiisa Ku Kharash Gareeya Lacag Dhan 26,000 oo Lacagta Yuurada ah
Paris 30. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dhowaan la doortay ee dalka Faransiiska Mr.Emmanuel Macron, ayaa la caddeeyey inuu qurxinta jidhkiisa ku kharash-gareeyey adduun dhan 26,000 Euro oo ah lacagta Yurub.
Mr. Macron oo madaxweynenimada Faransiiska loo doortay bishii May ee sannadkan 2017, waxa uu muddadaas kooban qurxintiisa u isticmaalay lacagtaas aadka u badan, iyadoo arrintaasina noqotay mid ay si weyn ah u hadal hayaan dadka isticmaala baraha internetka ee bulshadu ku xidhiidhaan.
Wargeyska toddobaadlaha ah ee ka soo baxa Faransiiska ee Le Point, ayaa qoray in lacagtan madaxwayne Macron ku kharash-gareeyey waxyaabaha lagu qurxiyo jidhka sida qurxinta wejiga loo soo kireeyey qof ku xeel-dheer hawshaas.
Aqalka madaxtooyada ee Paris oo ka jawaabayey arrintan, ayaa u sheegay wakaaladda France Info, inkastoo ay badan tahay tirada lacagta ku baxday qurxinta madaxwaynaha, haddana ka sii badnayd tii ay isticmaaleen madaxwaynayaashii xafiiska uga horreeyey ee Holland iyo Sarkozy.
Hase ahaatee, gacan-yaraha Macron ayaa sheegay in mustaqbalka ay raadin doonaan goobo raqiis ah.
Inkastoo ay tahay mid iska caadi ah in dadka magaca leh ay isticmaalaan waxyaabo jidhka lagu qurxiyo, haddana dad badan oo isticmaala baraha bulshada waxay kharashka ku baxay qurxinta madaxwaynaha ku tilmaameen macno-darro, iyadoo tobanaan kun oo qof ay mareegaha bulshada ee internetka geliyeen sawirrada madaxwayne Macron oo leh muuqaallo kala duwan.
Emmanuel Macron waa ka mid ah madaxweyneyaasha ugu da’da yar caalamka oo dhan.