|

Madaxweynaha Uganda Oo Baaq Muhiim ah Usoo Jeediyey Hoggaamiyayaasha Reer Afrika

Nairobi:Dec,13,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Uganda Museveni, ayaa baaq muhiim u ah qaaradda Afrika oo ah inay iskaga Baxaan Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC-da usoo jeediyey Hoggaamiyayaasha Qaaraddan xukuma.

aloMudane Musevini oo ka qaybgelayey Xuksa Sanadguuradii 51-aad ee kasoo wareegta xorriyaddii dalka Kenya ay qaateen ayaa carrabka ku adkeeyey in Maxkamaddani ay si gaar ah u eegato Madaxweyneyaasha reer Afrika oo aanay qaaradaha kale indhaheedu qabanin.

Warkan ka soo yeedhay madaxweyaha Uganda ayaa imanaya maalmo kadib markii xeer ilaaliyaha maxkamada caalamiga ah Fatou Bensouda ay ku dhowaaqday in maxkamadu ay joojisay dacwadii ka dhanka ahay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

“Waxaan keeni doonaa mooshin fadhiga ugu horeeya ee madaxda Afrikaanka si ay ugaga baxaan maxkamada ICC, maxkamadu ha u sii jirto maxkamadooda,”ayuu yidhi Museveni.

Inkastoo maxkamada dambiyada dagaalka ay joojisay dacwadii madaxweyne Kenyatta ayay hase ahaatee weli sii wadaa dacwad lid ku ah madaxweyne ku xigeenka wadankaas William Ruto iyo saxafiga Joshua arap Sang.

Ururka Midowga Africa ayaa hore ugu eedeeyay maxkamada ICC in ay si cadaalad darro ah u beegsato wadamada Afrikaanka ah waxana ay ka codsatay sanadkii 2013kii inay dib u dhigto maxkamadayta madaxweynaha Kenya Kenyatta waxaana taasi diiday Qaramada Midoobay.

“ICC waxa ay carqaladaynayaan wadamada Africa, waa u sheegnay inay dib u dhigaan maxkamadaynta Kenyatta iyo Ruto illaa ay ka dhamaystaan mudada ay maamulka hayaan way diideen ,” ayuu yidhi Museveni.

Madaxda ururka Midowga Afrika ayaa waxa ay kulmayaan 30-31January ee 2015 iyadoo kulankaana uu ka dhici doono xarunta ururka Midowga Africa ee Addis Ababa.

Wadamada Africa ayaa 34 dal ay aqbaleen heshiiska lagu aasaasay maxkamada dambiyada dagaalka iyadoo 122 dal ay yihiin wadamada ansixiyay.

Ka bixitaanka wadamada Africa maxkamada dambiyada caalamiga ah ayaa waxa ay dhaawici kartaa qaab u shaqeynta maxkamada dambiyada caalamiga ah.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed