Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo Dib u Soo Celinta Xidhiidhkii Turkigu la lahaa Masar Shardi uga Dhigay Maxamed Mursi Xukunada lagu riday laga qaado
Ankara 10.April 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa waxa uu sheegay in ay waajib tahay in la sii daayo madaxweynihii la casilay ee dalka Masar Maxamed Mursi iyo in meesha laga saaro xukunada dilka ah ee lagu riday taageerayaasha madaxweyne Mursi ka hor inta uusan ka fiirsan hagaajina xiriirka kala dhexeeya dawlada dalka Masar,
Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa warbaxintan siiyay warfidiyeenada ,isaga oo fuushanaa diyaaradii dib ugu soo celinaysay magaalada Ankara, kadib markii uu soo geba gebeeyay booqashadii uuu ka tegay dalka Iiraan.
Madaxweyne Erdogan waxa uu yiri” Mursi waa madaxweyne la doortay ,waxan uu helay boqolkiiba konton codadkii,waana in la sii daayaa”
Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa waxa had iyo jeer ku dhaliilaa dawlada Masar in ay tahay dawlad in qilaabtay madaxweynihii sharciga ahaa,dawlada Masarna waxa ay ugu jawaabtaa in arrintaasi ay tahay fara gelin arrimaheeda gudaha.Madaxweyna Ardogan oo ka jawaabaya arrintaas ayaa waxa uu yiri” dawlada Turkigu waa in aysan fara gashan arrimaha gudaha ee dalalka kale,balse hadii dal kale uu ku tallaabsado wax ka hor imanaya xorriyada waxaa dawlada Turkiga ku waajib ah in ay ka hadasho|”
Madaxweyne Mursi iyo saraakiil kale oo ka tirsan xisbiga Ikhwaanu Muslimiinka ,kaas oo dawlada Masaaridu ku dhawaaqday inuu yahay xisbi argagaxiso ah ayaa waxaa la horkeenay maxkamad .iyaga oo lagu eedeeyay eedeeymo la xiriira falal dhiiri geliyay dilal iyo in ay xiriir mukhaabaaraat la la haayeen dhinacyo ajaanib ah.
Ankara SDN/QJ