|

Madaxweynaha Turkiga oo Noqday Mas’uulkii Kowaad ee Dunnida Muslimka ee Ka Damqaday Xasuuqa lagu hayo Qoomiyada Rohinga ee Dalka Parma

Istanbul 01. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayib Ordogan ayaa dalbaday in la dardargeliyo xal u raadinta dhibaatada bani’aadanimo ee haysata Muslimiinta Dalka Purma.

Dalabka Madaxweynaha ayaa yimid ka dib markii uu khadka taleefoonka kula xidhiidhay madax badan oo ka tirsan caalamka islaamka, munaasabada ciidul adxaaga awgeed.

Rajab Dayib Ordogan oo la hadlay Madaxweynayaasha Dalalka Pakistan, Iran, Muritaaniya iyo Amiirka dawlada Qatar ayaa waxa uu sheegay in dhibaatada haysata shucuubta islaamka ee Dalalka Suuriya, Ciraaq, Yaman, falastiin, Liibiya iyo Muslimiinta Rohinga ee dalka Purma ay caqabad ku tahay farxadii maalinta ciidul-adxaaga, lama huraana ay tahay in xal waara loo raadiyo dhibaatooyinkaasi oo ay xiligan ugu sii xun tahay dhibaatada haysata muslimiinta Rohinga.

Comments are closed