|

Madaxweynaha Turkiga Oo Nin Is Dillayay U Ballanqaaday Caawimo Iyo Dhacdada Naxdinta Leh ee Ninkaas laga Badbaadiyey DAAWO

Ankara 28.Dec 2015 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa la hadlay nin doonayay inuu iska tuuro buundada ku taal magaalada Istanbul, sida Xafiiskiisa uu sheegay.

Ninkan ayaa saarnaa qarka buundada Bosphorus oo isku xidha Yurub iyo Aasiya, waxaana uu ku dhowaaday inuu is dilo. Xilliga ninkan doonayay inuu iska tuuro buundada ayaa waxaa maryay buundada kolonyo uu la socday Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Muuqaalo Telefishinada soo bandhigeen ayaa muujinayay Ilaalada Madaxweyne Erdogan oo ninkan badbaadinaya, kuna qeylinayay inuu is dilayo.

Ninkan ayaa markii dambe loo keenay Madaxweyne Erdogan oo aan gaadhigiisa ka degin, xilli uu telefoon ku hadlayay.

Sarkaal ka tirsan Xafiiska Madaxweyne Erdogan ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in ninkan doonayay inuu is dilo Madaxweynaha u balan qaaday caawimaad. Ka hor inta aanu Madaxweyne Erdogan la hadlin ninkan ayaa waxaa muddo labo saacadood Booliska isku dayayeen inay ninkan bad baadiyaan, oo aanu naftiisa dilin. Ninkan ayaa la sheegay inuu heystay dhibaatooyin xaga qoyska ah, sidaasna uu doonayay inuu isku dilo.

Comments are closed