Madaxweynaha Turkiga oo Isagoo Ku Jira Salaadii Ciidul Fidri ee Shalay Miyir Doorsoomay & Waxa uu Dareemay oo uu Ka Hadlay
Istanbul 26. June 2017 (SDN/QJ):- Jariirada Xorriyeet Daily News ee dalka Tukriga oo ay Shabakada Qurbejoog Warkan ka soo Xigatay ayaa sheegtey in Madaxweynaha dalka Tukriga Rajab Dayib Ordugan oo uu Shalay miyir doorsoon koobani ku soo boodey Isaga oo Ku jira tukashadii Salaada Ciida.
Warku waxa uu intaa raaciyey in Madaxweyne Ordugaan uu dareemay xunuun Subaxnimadii Shalay isaga oo ku jira tukashadii salaada Ciida, Waxaanu Madaxweyne Ordugaan oo xaaladiisa ka hadlay ayaa sheegey inuu dareemay dhiigu in uu kacay, si oo u eg sida xanuunka macaanku marka uu kaco oo kale, Waxaanuu intaa raaciyey inuu haatan aad u wanaagsan yahay.
Guji Halkan Hoose Si aad Xaqiiqada Warkan u Akhridid