Madaxweynaha TFG oo caddeeyay in la magacaabayo guddida wadahadalada Somaliland iyo Somalia, kana hadlay go’aankii uu ku ogolaaday Khaatumo State(DHEGEYSO)
Muqdisho 08, March 2012 (Qurbejoog.com)- Madaxweynaha dawladda reer Galbeedku taageerayo ee TFG Shariif Sheekh Axmed, ayaa markii u horeysay caddeeyay in la magacaabayo guddi uu ugu yeedhay ‘guddida wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.’
Madaxweyne Shariif oo maanta hadal ka jeediyay munaasibad lagu xusayay maalinta Caalamiga ah ee 8 March, waxa uu ka hadlay sababaha ku kelifay go’aan uu todobaadkan ku aqoonsaday maamulkii lagaga dhawaaqay shir-beeleedkii siyaasadaysnaa ee dhowaan beesha gobolka Sool ku yeelatay degmada Taleex ee gobolkaas. “Dawladda kumeel-gaadhka ah ee Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay sida ugu dhakhsaha badan u saarto guddi, sidii wadahadal loola bilaabi lahaa walaalaheena Somaliland,” ayuu yidhi Sheekh Shariif.
Waxa uu sheegay in talaabadan lagaga faa’iidaysanayo fursada bilaabantay, kaasoo sida muuqata uu ula jeedo natiijada shirkii Soomaaliya ee London ee dhowaan weftigii Madaxweynaha Somaliland ka qaybgaleen. “Beryahan waxaa suuqa aad ugu jirtay, dawladdu (TFG) waxay ka shaqaynaysaa inay burburiso Somaliland, iyo inay burburiso Puntland, waxaanan leeyahay taas waxaba kama jiraan,” ayuu yidhi.
Mar uu ka hadlayay go’aan uu todobaadkan ku ansixiyay maamul la magac-baxay Khaatumo State oo Taleex oo gobolka Sool ee Somaliland lagaga dhawaaqay, waxa uu difaacay goaankiisaas oo uu ku tilmaamay mid nasteexo ah. “Anagu waxaan u arkaynay soo dhawaynta Khaatumo State hawl gacanta Soomaaliyeed ku jirta, ujeedaduna ay tahay in dadka la wada hadashiiyo, nabadna lagu wada noolaado,” ayuu yidhi. Wuxuuna ku dooday in aragtida noocaas ah ee ku saabsan in aanay dawladdiisu waxba burburinaynin uu gaadhsiiyay Somaliland iyo maamul-gobolleedka Puntland.
Inkastoo ay weli xilli hore tahay, ma jiro wax war ah oo xukuumadda Somaliland ka soosaartay dhawaaqa magacaabista guddida wadahadalada uu Sheekh Shariif sheegay iyo go’aankiisa ansixinta Khaatumo State.
Halkan guji si aad u dhagaysato khudbadii Sheekh Shariif uu kaga hadlay Khaatumo state qaybta-1
Halkan guji si aad u dhagaysato khudbadii Sheekh Shariif uu kaga hadlay Khaatumo state Qaybta-2
Qurbejoog.com,
editor@somalidiasporanews.com