Madaxweynaha Syria oo shaqadii ka eryay Raaisul wasaare ku-xigeenkiisii ka dib kolkii uu la kulmay Saraakiil Mareykan ah
Dimishiq Oct 30,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Syria Bashaar Al Asad ayaa xilkii ka qaaday raiisul wasaarihii dalkaasi oo kiyoon fasax u heysan la kulmay saraakiil Mareykan ah oo uu kala hadlay wadahadalo dhexmara dawlada iyo mucaaridka dalkaasi.
Eriga raiisul wasaare ku-xigeen Qadri Jamil ayaa yimi ka dib kolkii magaalada Geneva uu kulan kula qaatay safiirka Mareykanka Robert Ford.
Kulankan oo dhacay bishan 26keedii ayaa looga wadahadalay suurtogalnimada shirka bisha danbe ku dhexmari doona mucaaridka iyo xukuumada Syria.
Raiisul wasaaraha oo la hadlay TV laga leeyahay dalka Lebnaan ayaa sheegay in sidoo kale uu la kulmay safiirka Ruushka iyo saraakiil ka socota Qaramada Midoobey.
Xukuumada ayaa eriga raiisul wasaaraha ku muujineysa in ay ku adagtahay maowqifyadeeda iyo in ay sas ka qaaday in Raiisul wasaare ku-xigeenku uu xil ka doonayo mucaaridka.
SDN-Dimishiq
contact@somalidiasporanews.com