Madaxweynaha Suuriya oo Booqasho Kedis ah ku Tegay Saldhiga Ciidamada Cirka ee Ruushku Ku Leeyahay Suuriya
Dimishiq 28. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha suuriya bashaar al asad ayaa Shalay Galab booqasho kediso ah ku tegay saldhiga ciidamada cirka ee Xumaymiim oo Ruushku ku leeyihiin galbeedka Suuriya ahna saldhiga ay isticmaalaan ciidamada Ruushka ee taageerada dhanka cirka siiya milateriga bashaar al asad.
Baraha xidhiidhka bulshada ee ay leeyihiin taageerayaasha xukuumada suuriya ayaa lagu arkayey sawiro muujinaya Madaxweyne Bashaar oo ku fadhiya qolka hogaaminta ee diyaarad dagaal oo ay Ruushku leeyihiin oo fadhida saldhigaasi oo ku yaalla duleedka Magaalada Laadiqiyah.
Socdaalkan degdega ah ee bashaar Al asad ku tegay saldhiga ciidamada ruushka oo ah kii ugu horeeyey ee uu saldhigaa ku tago ayaa ku soo beegmaya iyadoo habeenkii xalay ay xukuumada Washington sheegtay inay duqayn dhanka gantaalaha ah ku samaynayso saldhigyada ciidamada cirka ee Xukuumada Suuriya oo ay ku eedaysay in laga qabanqaabinayo weeraro loo adeegsanayo hubka kiimikada ah.