Madaxweynaha Sudan oo aan ka qayb galayn shirka IGAD ee Muqdisho kadib markuu ka baqay in reer Galbeedku qabtaan!!
Muqdisho 10.Sep 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Albashir ayaan ka soo qeybgalayn shirka madaxda IGAD ay ku yeealanayaan magaalada Muqdisho kadib markii uu ka Cabsaday inay reer Galbeedku ku qabtaan Muqdisho.
Shirka Muqdisho ayaa hogaamiyaasha ka soo qeybgalaya ay ka mid yihiin madaxweynaha Rwanda Kegame, Kenya Kenyatta, Jabuti Guuleed.
Sida laga soo xigtey sarkaal ka tirsan dowlada Sudan oo codsaday in aan la magacaabin ayaa sheegay in Bashir oo ay dooneyso maxkamada Caalamiga ah ee ICC ay dhici karto in uu ka baaqsado ka soo qeybgalka shirka maadaama dowlada Maraykanka ay ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya. Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in ku xigeenka Mr Bashir uu ka qeybgali doono shirweynahan.
Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa hore isaga dhega tiray amarada Maxkamada Caalamiga ah ee ah soo xidhida Hogaamiyaha dalka Sudan, laakiin Dawlada Federaalka Somalia ayaan lahayn awood ay ku Marti geliso Maddaxweynaha Sudan maxaa yeelay Maadaama Iyada lafteeda ay Amaankeeda Ilaaliyaan Dawlado Shisheeye.