|

Madaxweynaha Soomalaiya iyo RW Jarmalka oo ka wadahadlay sooclinta Qaxootiga

Berlin November 05, 2024(QJ)Raysal-wasaaraha Jarmalka, Olaf Scholz, ayaa Salaasadan manta ah ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay Soomaaliya oo nabad ah oo xasillooni ka dhalatay gobolka Jilicsan ee Geeska Afrika, waxaanu muujiyay sida Jarmalku u doonayo inuu sii wado taageerada uu u fidinayo hawl-gallada ay khusayso rajo soo celinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa ku daray in amniga uu sidoo kale shardi u yahay horumarka wanaagsan ee dalka, waxa uu tilmaantay dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya in uu yahay howl muhiim ah oo Jarmalku uu ku taageerayo dowladda Soomaaliya.

Scholz ayaa carabka ku adkeeyay in Jarmalka iyo Midowga Yurub ay mas’uuliyad ka saaran tahay xasilinta amniga gobolka, wuxuuna caddeeyay in ay hadda daraaseynayaan sidii loo ballaarin lahaa loona sii wadi lahaa howlgallada jira.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa ka hadlay sida Scholz oo kale caqabado kale oo gobolka kajira sida Xuutiyiinta Yemen ee weerarada u haya maraakiibta ganacsi oo marayey Badda Cas, isagoo sheegay in argagixisada Al Shabaab iyo Daacish ay yihiin caqabad kale oo gobolka ka jirta iyo dagaalada kale ee ka socda gudaha Itoobiya iyo Sudan.

Soomaaliya waxay Geeska Afrika u noqon doontaa “tusaalaha rajada”, siyaasad ahaan iyo xasillooni ahaanba, marka ay la wareegto booskeeda xubinta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadka soo socda sababo la xiriira “khibrada ay u leedahay arrimaha xasillooni darro iyo fowdo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalkiisa uu doonayo inuu ka shaqeeyo nabadda iyo amniga oo heer caalami ah, wuxuuna ku qancay in dhibaatooyinka ka jira gobolka “ lagu xallin karo si nabad ah wada xaajood iyo isfaham guud”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa fiidnimadii isniinta gaarey magaalada Berlin ee xarunta dalka Jarmalka kadib casumaad uu ka helay Raysal-wasaaraha Jarmalka, Olaf Scholz, waxyaabaha kale oo ay ka wada hadleen ayaa ah qulqulka qaxootiga Soomaalida oo Jarmalku doonaayo kuwa sharciga loo diido in dib loogu celiyo dalkoodi.

Comments are closed