|

Madaxweynaha Soomaaliya“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan idin siino dhul si aad xafiisyadii Midowga Yurub ay uga howlgalaan dalka gudihiisa

Muqdisho, 24 July 2013(SDN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii dhul bixinta guddoonsiiyey Nick Westcott oo ah Agaasimaha guud ee Afrika ee Midowga Yurub, si Midowga Yurub ay xafiisyadooda u soo guuraan dalka gudihiisa oo ay si rasmi ah uga howlgalaan.

Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlayey Muqdisho ayaa yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan idin siino dhul si aad xafiisyadii Midowga Yurub ay uga howlgalaan dalka gudihiisa oo ay shacabkii Soomaaliyeed u soo dhowaadaan.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Midowga Yurub waxaan uga mahadcelineynaa sida ay marwalba u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, codsiga dhulkana waa calaamad tusineysa sida ay uga go’antahay inay dalka uga howlgalaan, oo ay mashaariic horumarineed oo anfacaya shacabka Soomaaliyeed uga hirgeliyaan.”

Madaxweynaha ayaa sheegey in Soomaaliya ay maanta mareyso marxalad ay tallaabooyin horumarineed key tallaabsaneyso maalinba maalinta ka danbeysa. Midowga Yurub marka uu si rasmi ah uga howlgallo dalkana ay kaalin weyn ka qaadaneyso sidii ay dowladda ugala shaqeyn laheyd mashaariicda horumarineed oo shaqooyinka loogu abuurayo dhalinyarada Soomaaliyeed oo diyaarka u ah inay dalkooda si hagar la’aan ah ugu shaqeeyaan.

Nick Westcott ayaa aad iyo aad uga mahadceliyey waraaqihii dhul bixinta oo la guddoonsiiyey, sheegeyna in Midowga Yurub uu marwalba garab taagan yahay Dowladda Soomaaliyeed oo uu hoggaamiyo Mudane Xasan Sheekh Maxamud.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed