Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Oo Saakay u safray Magaalada Mombassa
Mombasa April 27 2013 (SDN)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u ambabaxay Magaalada Mombasa ee dalka Kenya halkaasi oo uu kula kulmayo dhigiisa dalkaasi.
Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan aqalka Soomaaliya ayaa ka duulay Garoonka Aadan Cadde saaka aroortii iyaga oo uduulay Magaalada Mombasa.
Garoonka Muqdisho waxaa kusii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo xubno kamid ah labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Lama oga ujeedka uu u aaday magaalada Mombasa ee dalka Kenya Madaxweynaha Soomaaliya hayeshe halkaasi ayuu kula kulmaya dhigiisa dalkaasi,inastoo aan la ogeyn waxa uu kala hadli doono.
SDN-Mombasa