Madaxweynaha Soomaaliya & Siyaasiyiinta Somaliland ee Xilalka ka haya Muqdisho waxa kala qabsaday DAAWO
Muqdisho 18.Aug 2016 (SDN/QJ):- Siyaasiyiinta Xilalka kala duwan ka haya dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, ayaa isku wada raacay inaanay ka qaybgeli doonin ee ay qaaddeceen doorashada Federaalka Soomaaliya, ka dib markii ay ka biyo-diideen qaabka loo qaybiyey Saamiga Xubnaha Golaha Sare laga siiyey Beelaha Waqooyi (Somaliland).
Xildhibaannada, Wasiirrada, Wasiir Ku-xigeennada, Agaasimayaasha iyo Masuuliyiinta kale ee ka tirsan Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ee Somaliland ka soo jeeda, ayaa Shir ay Arbacadii Shalay isugu yimaaddeen oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ka dib, waxay qabteen Shir Jaraa’id, kaasoo ay ku caddeeyeen inaanay ka qaybgeli doonin doorashooyinka Soomaaliya ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, maaddaama oo aan waxba laga qaban saluug ay hore uga muujiyeen Saamiga Xildhibaannada Baarlamaanka laga siiyey.
Hase-yeeshee, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo arrintaas tabashada iyo sida ay Xukuumadda Somaliland uga hadashay ee ay ku sheegtay inay Diyaarado u dirayso, Cafisna u fidisay Siyaasiyiinta ka biyo-diiday Saamiga Kuraasta ee Somaliland u dhashay wax laga weydiiyey, ayaa ku dooday in Siyaasadda Soomaaliya ka socota lagu salaynin hadal-haynta Somaliland gaar ahaan Hargeysa ka taagan.
“Warka aad sheegayso ee diyaarado ha naloo soo diro ayey yidhaahdeen anigu ma hayo. Somaliland baa laga yidhi waan maqlayey oo hay’adaha xogta isiiyaa way iigu sheegeen in dowladda Somaliland tidhi diyaaradaan dad u soo diraynaa iyo Maraakiib iyo Cafis baan u fidinnay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo waraysi siiyey Horn Cable TV oo arrintaas ka jawaabayey.
Waxaanu Madaxweyne Xasan Sheekh oo jawaabta uu su’aashaa ka bixiyey sii wataa intaas ku daray oo uu yidhi; “Somaliland maalin walba wax bay dhihi jirtay, waxaas iyo wax ka sii xun. Siyaasadda Soomaaliya ee meeshan ka socota go’aannadeeda laguma saleeyo Hargeysa waxa laga leeyahay.”
Hase-yeeshee, Siyaasiyiinta xilalka ka haya Soomaaliya ee Somaliland u dhashay, ayaa iyaguna markii labaad ka hadlay tabashadooda go’aammadii lagu gaadhay Shirkii Madasha Wada-tashiga Soomaaliya ee Muqdisho lagu soo gebo-gabeeyey laba toddobaad ka hor, waxaanay sheegeen haddii aan dib loogu noqon go’aannadaa saamiyada lagu sar-gooyey ee cidna loogu sad-buriyey, cidna wax lagaga gooyey ka qaybgeli doonin doorashada Federaalka.
Haddaba, Masuuliyiinta iyo Siyaasiyiinta Xilalka kala duwan ka haya Laamaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee u dhashay gobollada Somaliland Shirka Jaraa’id ku qabteen magaalada Muqdisho iyo waxay kaga hadleenba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-