Madaxweynaha Soomaaliya Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya
Muqdisho 05.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Madaxtooyadda ku qaabilay ra’’sulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimahha dibadda de dowladda Itoobiya Mudane Dr. Tedros Adhonom.
Madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa waxa ay ka wad hadleen xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen dalgaalka lagula jiro kooxaha argagixisada qatarta ku ah ammaanka labada dal.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibbadda ee dalka Itoobiya oo saaka soo gaaray magaalada muqdisho ayaa ka qeyb gali doono munaasabadda maalinta bari ah lagu xirayo shirka dib u heshiisiinta shacabka Jubbooyinka oo maalmahaan ka socday magaalada muqdisho.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com