|

Madaxweynaha Soomaaliya oo saakay kuwa jahan Magaalada Garoowe, Puntland

Muqdisho April 28 2013 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka la filayaa in uu gaaro Magaalada Garoowe ee Xarunta Caasimad Goboleedka Puntland.

Xubno ka tirsan xafiiska warfaafinta Madaxweynaha Soomaaliya oo aan la xiriiray ayaa ii xaqiijiyay in maanta Madaxweynuhu uu ku wajahanyahay Magaalada Garoowe halkaasi oo uu kula kulmi doono Mas’uuliyiinta Puntland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Faroole.

Xasan Sheekh Max’uud ayaa la kulmidoona Faroole iyo mas’uuliyiinta kale ee Puntland waxaana la filayaa in xiriirka labada dhinac ay kawada hadlaan si loo joojiyo khilaafka labada dhinac u dhexeeya.

Horay waxaa Garoowe u booqday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon kaasi oo heshiis la soo saxiixda Maamulka Puntland.

SDN-Muqdisho

Comments are closed