Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Ku-xigeenka Xoghayah Guud ee QM
Muqdisho. 13 Aug 2014SDN/QJ)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta xarunta
Madaxtooyada ku qaabbilay Ku-Xigeenka Xoghayah Guud ee Qaramada
Midoobay Peter Drennan
Madaxweyanaha iyo ku-xigeenka Xoghayah Guud ee Qaramada Midoobay
waxay ka wada hadlay wada shaqeynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay,
xaaladda ammaan ee dalka iyo taageerada Qaramada Midoobay ay u fidiso
Soomaaliya.
Mudane Peter Drennan ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya horumarka ay
ku tallaabsatay labaddii sano ee la soo dhaafay isaga oo cadeeyey in
Qaramadda Midoobay ay diyaar u tahay xoojinta caawinaadda Dowladda
Soomaaliya gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa ammaanka dalka.
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh
Maxamuud, wuxuu ka warbixiyay cunta yarida soo food saartay qeybo ka
mid ah Soomaaliya sababo ammaandarro iyo roobabka wuxuuna codsaday in
caalamku uu dhug u lahaado xaaladdaas.
Xafiiska wararka ee qurbejoog Muqdisho