Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Ku-xigeenka Xoghayah Guud ee QM
Muqdisho Aug 13, 2014(SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya dane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku qaabbilay Ku-Xigeenka hayah Guud ee Qaramada Midoobay Peter Drennan.
Madaxweyanaha iyo ku-xigeenka Xoghayah Guud ee Qaramada Midoobay waxay ka wada hadlay wada shaqeynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, xaaladda ammaan ee dalka iyo taageerada Qaramada Midoobay ay u fidiso Soomaaliya.
Mudane Peter Drennan ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya horumarka ay ku tallaabsatay labaddii sano ee la soo dhaafay isaga oo cadeeyey in Qaramadda Midoobay ay diyaar u tahay xoojinta caawinaadda Dowladda Soomaaliya gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa ammaanka dalka.
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, wuxuu ka warbixiyay cunta yarida soo food saartay qeybo ka mid ah Soomaaliya sababo ammaandarro iyo roobabka wuxuuna codsaday in caalamku uu dhug u lahaado xaaladdaas.
SDN/QJ-Muqdisho