Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Xilligii Uu Bartay Guursaday Xaaskiisa Iyo Mushaharka Uu Ka Qaato Madaxtooyadda
Muqdisho 05. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in Xaaskiisa Saynab Macalin ay isku xaafad ahaayeen laakiin uu calafkooda keenay iney isku arkaan dalka Mareykanka oo ay isguur sadaan.
Qayb kamid ah Wareysigii Wargeyska Sharqul AWSAD uu la yeeshay madaxweyne Farmaajo ayaa lagu weydiiyay arimo la xadhiidha shaqsiyadiisa.
SU’AAL: Xaaskaaga sidee ku baratay, sideese isku guursateen?
JAWAAB: Xaaskeyga Seynab Macallin waxan isku barannay Muqdisho, isku xaafad ayaan ahayn oo gurigooda iyo gurigeena ayaa isku dhowaa. Mar kale ayaan Mareykanka ku kulannay aniga oo ka shaqeeya safaaradda Soomaaliya ee Washington iyaduna ay xagga u soo qaxday. 1992 ayaan is guursannay, waxaa inoo jooga 4 carruur ah laba wiil iyo laba gabadh.
Sido kale, madaxweyne Farmaajo ayaa la weydiiyay inta uu la egyahay mushaarka uu qaato iyo hadii uu ka badan yahay kii uu qaadan jiray markii uu joogay Maraykanka.
SU’AAL Markii aad Maraykanka joogtay mushaharkaagu waxa uu ahaa $84,000 sanadkii, hadda oo aad tahay madaxweynaha Soomaaliya mushaharkaaga muxuu la egyahay?
JAWAAB: Ilaa markii la i doortay ilaa hadda, wax mushaar ah ma lihi, dawladda ayaa go’aansan doonto in ay ii qoondeyso mushahar madaxeed. Laakiin intuu la ekaan doono ma garanayo, maxaa yeelay miisaaniyadda madaxtooyada wali lama meel marinin. Madaxweynaha Soomaaliyana shaqo kuma laha jaangooynta mushaarka, xaqna uma laha in uu khasnadda dowladda ama Bankiga Dhexe lacag kala baxo, sidaa darteed waxaan sugayaa meel marinta miisaaniyadda.