|

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Dowladda Waxa Ay Uqabanayso Askariga Dagaalka Ku Geeriyooda

Muqdisho March 14 2013 (SDN)— Xilli ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku geeriyoonayaan dagaalada dalka ka socda sidoo kalena dhaawac iyo dhimasho uu kasoo gaarayo dagaaladaasi ayaa Madaxweynaha Soomaaliya markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay askariga howlaha qaranka ku geeriyooda Dowlada reerkiisa waxa ay uqabanayso.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in askariga ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliya ee u dhaawacmaya dalkiisa iyo dadkiisa dowladda ay waajib ku tahay inay meel wanaagsan ku ogaato hadii uu dhaawac soo gaaro.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladiisa ay meel ku ogaanayso askariga caruur kaga taga ifka hadii uu ku geeriyoodo dagaalka dalka ka socda.

Wuxuu sheegay in Dowladda uu isaga madaxda ka yahay ay balan qaadeyso wax waliba oo awood ah inay siinayso askariga ka tirsan xooga dalka Soomaaliyeed isagana laga doonayo inuu guto waajibaadka qaran ee uu dalka u qaaday.

Askarta ciidanka xooga dalka Soomaaliya ee ku jira dagaalka dhiiga ku daadanaya ayaan helin daryeel wanaagsan oo ay Dowladda siiso hayeeshe balan qaadka Madaxweynaha Soomaaliya ayaan la ogeyn waxa uu ka badalayo mooraalka ciidanka.

SDN-Muqdisho

Comments are closed