Madaxweynaha Soomaaliya Oo Guddoomiye Cusub U Magacaabay Gobolka Hiiraan Ee Badhtamaha Soomaaliya
Muqdisho,20Dec,2015(QJ/SDN)-Warar soo baxay maanta ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay u magacaawday guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar [Daba-geed] oo horay labo jeer guddoomiye uga soo noqday gobolka.
Mid ka mid ah saraakiisha xarunta maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in shir ka dhacay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ay wafdigii ka socday dowladda Somalia ku shaaciyeen in maanta laga billaabo uu Gobolka Hiiraan guddoomiye ka yahay Yuusuf Daba-geed.
Sidoo kale, Yuusuf Dabo-geed oo markii saddexaad guddoomiye ka noqonaya gobolka ayaa badalaya guddoomiyihii hore ee gobolka, C/fataax Xasan Afrax oo Muqdisho u jooga baadhitaanka kiiska la xidhiidha sarkaal ka tirsanaa hay’adda QM ee UNMASS oo bishii hore lagu dilay Beledweyne.
Haddaba, shabadda Qurbejoog waxaa u suuro-gashay inay hesho Wareegtada Magacaabida Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan; Yuusuf Axmed Hagar [Dabo-geed], waxayna u qornayd sidan;
XEER MADAXWEYNE Lr. 87. Tr. 19/12/2015. MAGACAABIS GUDOOMIYAHA GOBOLKA HIIRAAN
MADAXWAYNAHA J.F.S
Markuu arkay: Qodobka 87-aad, Xarafka ‘C’, Qodobka 90-aad, Xarafka ‘K’ iyo 99-aad, Xarafka ‘G’ ee Dastuurka J.F.S.
Markuu arkay: Sharci Lr. 116 ee soo baxay 06-dii Ogoosto, 2013; kuna saabsan sharciga Maamullada Degmooyinka iyo Gobolada Dalka.
Markuu Tix-galiyey: Soo jeedinta wsiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ee Ref: WAG & F/XW/0281/15 ee December 19, 2015. Kuna saabsan xilka-qaadis guddoomiyaha gobalka Hiiraan iyo soo jeedinta wasiirka arrimaha gudaha XFS. Ref: WAG & F/XW/0282/15 ee December 19, 2015 kuna saabsan magacaabis Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Markuu garwaaqsaday: inay jirto baahi loo qabo in gobalka Hiiraan guddoomiye cusub loo magacaabo, iyadoo waafaqsan qaabka dhisidda maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka si ay mustaqbalka u dhismaan maamul-goboleedyo dastuurka waafaqsan.
WAXA UU SOO SAARAY XEERKAAN:
Qodobka 1-aad;
Waxaa xilka laga qaaday guddoomiyaha gobalka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax, waxaana mudane Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed) loo magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
Qodobka 2-aad;
Xeerkan wuxuu u dhaqan-galayaa si degdeg ah marka uu madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa faafinta rasmiga ah ee dowladda JFS.
MUQDISHO: 19/12/2015.
Madaxweynaha J.F.S, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.