|

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Gaadhay Dalka Sucuudiga iyo Kulamo Uu La Leeyahay Boqorka Dalkaasi – SAWIRRO

Riyadh,27Oct,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaadhay magaalada Riyadh ee xarunta Saudi Arabia, halkaasoo isaga iyo wafdigiisa si diirran loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Xasan Sheekh ayaa waxaa ka mid ah; wasiirrada arrimaha dibadda, maaliyadda warfaafinta, taliyaha nabad-sugidda iyo xubno kale oo dowladda federaalka Soomaaliya ka tisran.

Socdaalka madaxweynaha ayaa salka ku haya casuumaad uu ka helay boqorka dalka Saudi Arabia, Salmaan bin C/casiis; iyadoo la filayo in maanta uu kulmmo kula yeesho aqalka boqortooyada Saudi Arabia.

Xasan Sheekh iyo Salmaan bin C/casiis ayaa ka wadahadli doona, arrimo ay ka mid yihiin; amniga, dhaqaalaha, siyaasada iyo iskaashiga dalalka carabta sida arrimaha dalka Yemen.

Danjiraha Somalia ee Saudi Arabia, Dahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in kulanka madaxweynaha iyo boqorka uu yahay mid looga hadlo xaaladda guud ee Somalia, tan Yemen iyo arrimo kale oo labada waddan quseeya.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Somalia ayaa marka uu dhameysto safarkiisa Saudi Arabia wuxuu safar ku tegi doonaa magaalada Delhi ee xarunta dalka Hindiya, halkasoo uu uga qaybgeli doono shirka dalalka Afrika iyo Hindiya.

 

 

Comments are closed