|

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Ka Dib Safar Uu Ugu Maqnaa Dalka Imaaraatka Carabta SAWIRRO

Muqdisho,20Nov,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib shir caalami ah oo ganacsiga lagaga hadlay oo uu kaga soo qeyb Wadanka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde, kusoo dhaweeyay Wasiirro, xildhibaanno, Saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida, Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir.

Wuxuuna madaxweyne Xasan Sheekh ka warbixiyay safarkii u ku tegay Wadanka Imaaraadka Carabta iyo kulamadii kala duwanaa ee uu halkaasi uga qeybgalay.

Madaxweynaha ayaa Wadanka Imaaraadka Carabta uga qeybgalay shir caalami ah oo ganacsiga lagaga hadlay.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirrada Madaxwye Xassan Sheekh, Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay;












Comments are closed