|

Madaxweynaha Soomaaliya oo Booqday Qaarkamid ah Xarmaha Ciidamada iyo Wasaarada Gaashandhiga ee Soomaaliya

Muqdisho March 24 2013 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta markii ugu horeysay tan iyo markii la doortay booqasho ku tagay wasaarada Gaashaandhiga iyo xarunta taliska ciidanka xooga dalka ee Villa Baydhabo.

Socdaalka Madaxweynaha uu ku tagay xarumaha ciidanka ee Magaalada Muqdisho ayaa ujeedkiisa wuxuu yahay u kuurgalka xaaladaha kala duwan ee ciidanka halkaasi ku sugan iyadoo socdaalka Madaxweynaha ay ku wehliyeen Wasiirka Difaaca, Taliyaha Ciidamada iyo Saraakiil kale.
Ugu horeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu tagay Wasaarada gaashaandhiga dalka Soomaaliya halkaasi oo uu salaan sharaf iyo warbixino kaga dhageestay saraakiisha ciidanka xooga dalka ee ku sugan Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaasi kadib tagay xarunta taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliya ee Villa Baydhabo halkaasi oo ciidanka salaan sharaf kaga qaatay.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in khudbad uu ujeediyay ciidan halkaasi ku sugan gaar ahaan ciidamo dhawaan tababar kusoo qaatay dalka Uganda oo Muqdisho soo gaaray.

Saraakiisha xarunta taliska Villa Baydhabo ayaa Madaxweynaha Soomaaliya warbixino ku aadan xaalada Villa Baydhabo iyo ciidanka ku jira halkaasi kaga dhageestay.

Madaxweynaha ayaa kormeerka uu maanta ku tagay Villa Baydhabo iyo Wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya waxa ay noqoneysa tii ugu horeysay ee uu ku tago xarumahaasi ciidan tan iyo doorashadiisa.

SDN-Muqdisho

Comments are closed