Madaxweynaha Soomaaiya oo sexeex ku baabiiyay heshiiskii Addis Ababa
Muqdisho January 06, 2024 (QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saxiixay sharci ay baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku baabi’inayaan heshiiskii dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland dhawaan wada qaateen.
Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay sharcigan.
Madaxweynaha ayaa ku ammaanay wakiilada Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen difaaca midnimada geyiga Soomaaliyeed, sida dhulka, badda, iyo cirka. Wuxuu sheegay in sharcigan uu u taagan yahay mowqifka rasmiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo fariin cad u diray cid kasta oo isku dayda in ay duulaan ku soo qaado dhulka, badda iyo hawada shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka iyo madaxda Soomaaliyeed in ay xoojiyaan midnimada marxaladaha taariikhiga ah, lagana gudbo khilaafaadka siyaasadeed, kana shaqeeyaan wanaagga guud iyo xasilloonida dalkooda.