|

Madaxweynaha Somaliya Shir Looga Hadlay Amaanka Qaarada Afrika (Sawirro)

Dahar Dar April 19 2013 (SDN)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa ka degay Magaaladda Bahar Dar, ee dalka Itoobiya si uu uga qeyb galo  furitaanka Shirka Tana Forum.

Madaxweynaha waxaa  safarkaan ku weheliyo R/Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Arimahha Dibadda Marwo Fowzia Yusuf Haaji Adam, iyo Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. C/Qaadir.

Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha amniga ee Qaaradda Africa iyo sidii looga hortagi lahaa amni daradda ka taagan Qaaradda.

Madaxweynaha ayaa waxaa lagu wadaa in uu qudbad ka jeediyo kulankaan, oo ay isugu imaan doonaan Madaxda dalalka Afrika iyo hey’adaha daneeyo Amniga.

Ugu danbeyntii sida aad la socotaan dowladda ayaa waxey ka dhigatay muhiimadda Kowaad amniga. Kulankana wuxuu u noqon doono fursad ay dowladda Federaalka Soomaaliya kusoo bandhigto aragtiida ku aadan amniga.

Comments are closed