“Madaxweynaha Somaliland Waxaan Afkiisa Ka Heynaa Da’baan Jooga Somaliland Haddii Aanu Nahayna Waxaanu Ogaanay Inaanan Ictiraaf Meelna Ka Helaynin”Horjooge Cali Khaliif DAAWO
Widh Widh 04. April 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galeydh oo dhawaan kulan fool-ka-fool ah la bilaabey xukuumadda Somaliland ayaa bannaanka soo dhigey siro badan oo qarsoonaa.
Siyaasi Cali Khaliif Galeydh ayaa Waxaa uu ka Hadley hadal la sheegay inuu ka soo yeedhay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, iyo eedeyn loo soo jeediyay markii wada hadalku bilaabmey
Cali Khaliif isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Safiirada Maraykanka, Ingiriiska iyo Ninka qaramada midoobay u fadhiya Soomaliya wallee Sadexduba waxay noo soo gudbiyeen farrriimo ay leeyihin Madaxweynaha Somaliland afkiisa waxaanu ka haynaa Da’baan joogaa, hadaanu Somaliland-nahay ictiraafna inaanaan meelna ka helayn waanu ogaanay, waxaan ka badinwaayay oo aan doonayaa in aan dhaxal Dadkayga uga tago Nabad in aanu raadino oo Khaatumo-na la hadalno”Ayuu yidhi Cali Khaliif Galeydh.