|

Madaxweynaha Somaliland oo u mahad naqay Imaraadka

Dubai (QJ) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada joogtada ah ee dawladda Imaaraadka Carabta (UAE) siiso Somaliland.

Wuxuu carabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan horumarinta dhaqaalaha iyo horumarka dhinacyada kala duwan ee labada dal.

Madaxweyne Cirro waxa uu hadalkan ka sheegay mar uu u waramayay wakaaladda wararka ee WAM ee fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta, isagoo ka qayb galayay shirka dawladaha adduunka ee 2025 oo ka dhacay magaalada Dubai. Waxa uu aad u ammaanay doorka maalgashi ee Imaaraadka Carabta, gaar ahaan shirkadda DP World oo kaalin mug leh ka qaadatay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland, isla markaana Dekedda Berbera u beddeshay xarun ganacsi oo istiraatiji ah oo isku xidha Somaliland iyo dalalka jaarka ah.

Madaxweynuhu waxa uu ku tilmaamay maal-gelinta DP World ee Dekedda Berbera mid ka baxsan horumarinta dekedda, taas oo muujinaysa hirgelinta Aagga Xorta ah ee Berbera iyo Waddada Ganacsiga Berbera ee isku xidha Itoobiya. Mashaariicdan ayaa kor u qaaday xidhiidhka dhaqaale ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya oo ah dal ay ku nool yihiin dad ku dhow 134 milyan oo qof. Tani waxay sidoo kale Berbera ka dhigtay xarun ganacsi oo muhiim ah oo gobolka ah, taasoo kor u qaadaysa isu socodka xuduudaha.

Dhinaca cisbitaallada Berbera iyo Burco oo ay Imaaraadku maal-galiyeen, Madaxweynuhu waxa uu caddeeyay in xarumahan caafimaad ay wax weyn ka tari doonaan adeegyada caafimaadka ee Somaliland.

Sidoo kale, Madaxweyne Cirro waxa uu iftiimiyey xoolaha nool ee Somaliland, isagoo sheegay in haddii si sax ah loo maal-gashado ay Somaliland hilibka gaadhsiin karto dalalka Khaliijka iyo guud ahaan gobolka. Xoolaha Somaliland waxa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 40 ilaa 50 milyan, sanad walba waxa Sucuudiga loo dhoofiyaa ku dhawaad ​​4 milyan oo neef marka lagu gudo jiro xajka.

Comments are closed