|

Madaxweynaha Somaliland oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay 1088 arday oo ka qalin Jebiyay Jaamacada Golis {DHAGAYSO}

Hargaysa 10.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha JSL MD Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qayb galay munaasabad balaadhan oo loo sameeyey dufcaddii todobaad ee ka qalin jebisa jaamacadda Golis ee Dalkan JSL.

Golis4Munaasabadan oo ka dhacday Hotel maansoor ee magaalada hargaysa waxaa ka soo qayb galay ardaydii jaamacadaasi, maamulkoodii iyo mas’uuliyiin ka kala socday hay’adaha dawladda iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

Dr Siciid Axmed xasan Gudoomiyaha jaamacadda Golis ayaa munaasabadaasi ka sheegay in dufcadani tahay tii todobaad ee ka qalin jebisa jaamacadan tiradooduna dhan tahay 363 arday oo qaatay shahaadada DEGREE-ga iyo 725 arday oo qaatay shahaadada DIPLOMA kuwaasoo wax ka bartay kuliyadaha kala gedisan ee jaamacadda, waxana uu u soo jeediyey ardaydaasi inay waxbarashadooda sii wataan ilaa ay ka gaadhayaan heer kan ka sareeya.

Md Axmed Nuur faahiye wasiirul-dawlaha awasaaradda waxbarashada iyo tackliinta sare oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in jaamacadda Golis tahay jaamacadaha muhiimka ah ee dalku leeyahay.

Guji Halkan oo ,Mobilkaaga ka dhagayso Hadalka Madaxweyne Siilaanyo
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/SiilaanyoGolis.mp3″]

Comments are closed