Madaxweynaha Somaliland oo Masjid Jaamaca Hargaysa Kula Tukaday Boqolaal Ka Mid ah Shacabka Hargaysa SAWIRO
Hargaysa 12.Sep 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta la Ciiday Kumanaan ka mid ah Shacbiga ku dhaqan Caasimada Somaliland ee Hargeysa, Hambalyana u diray Shucuubta Islaamka iyo Bulshada Reer Somaliland meel ay joogaanba. Waxana ka mid ahaa weedhihii Madaxweynaha “Maalintani waa maalin qiimo weyn ku leh ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan. Sidaa darteed, waxa habboon inaynu ummad ahaan la wadaagno farxadda iyo rayn-raynta ciidda barakaysan ee Eebbe inoo jideeyey.
Haddaba, si aynu u helno deeq iyo danbi-dhaaf Alle, waxa inagu waajib ah in aynu ilaalinno midnimada iyo wada jirkeena.
Waxa inagu waajib ah, inaynu dhammaanteen isu-uursamaanno, isna saamaxno.
Waxa inala gudboon inaynu Allaheena wayn u noqonno, iskana cafino wixii xan iyo xumaan ina dhex-martay”.
Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Caasimada ku qaabiley Qasriga Madaxtooyada iyadoo ay wehelinayaan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Gudoomiyaha Golaha guurtida, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland, Md Axmed Yuusuf Yaasiin, Odayga Somaliland Xaaji Cabdikariin Xuseen, Madaxda dhaqanka qaar ka mid ah, Badhasaabka gobolka Maroojideex iyo masuuliyiin tiro badan.