|

Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabay Laba Wasiirul Dawle oo Mid ka Mid ah uu Ka Bedelay Wasaaradii uu Hore uga Hawlgalayay

Hargaysa 26. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4933/072017          uu ku magacaabay laba wasiiru-dawle.

MADAXWEYNUHU:

 

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda weyn ee Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                    In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasiiru-Dawlayaasha Wasaaraddaha Kalluumaysiga & Khayraadka Badda Iyo Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

  1. In Mudane, Mahdi Cismaan Cabdillaahi (Buuri), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Bedel hore Wasiirudawlaha Biyaha)

 

  1. In Mudane, Cabdi-qaadir Maxamuud Sheekh Muxumed (Cabdi-qaadir Dhagaweyne), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Afhayeenka Madaxtooyada JSL.

Comments are closed