Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Madaxtooyada ku Qaabilay Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta Denmark DAAWO
Hargaysa 13.Aug 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),ayaa qasriga Madaxtooyada Somaliland ku qaabilay Wefti ka socda dalka Denmark oo uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta dalka Denmark Mogan Yensan oo shalay dalka booqasho ku yimi.
Wasiirka Arirmaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo faah faahin ka bixiyay kulanka dhex aray Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta Somaliland, ayaa sharaxay qaabka ay Dawlada Denmark u kordhisay Mashaariicdda ku jira Sanduuqa Horumarinta Somaliland.
Hadaba halkan ka daawo faah faahinta wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo shir jaraai,d ku qabtay qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com