|

Madaxweynaha Somaliland oo ku baaqay Gogol nabadeed

Hargeysa (QJ) Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay inuu doonayo in colaadaha gobollada Sool iyo Sanaag lagu dhammeeyo wada hadal.

Madaxweyne Cirro oo shalay kulan amniga la xidhiidha la yeeshay madaxda xisbiyada mucaaridka ah ee Kulmiye iyo Kaah, ayaa sidoo kale ciidamada milateriga ku amray inay si buuxda u difaacaan Somaliland.

“Madaxweynuhu wuxuu sheegay in maamulkiisa uusan dagaal kula jirin shacabkiisa, balse ay waajib dastuuri ah tahay in dalka laga difaaco cadow kasta oo isku soo baxa, waxaana amar buuxa lagu siiyay ciidamada qaranka inay difaacaan dalka iyo dadka.” Ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Cige Dayr.

Madaxweynaha ayaa mar kale baaq nabadeed oo aan shuruud ku xirneyn ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh shaqaaqooyinka ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag si loo gaaro xal isfaham ku saleysan.

Xisbiyada Mucaaridka ah ayaa iyaguna dhankooda balan qaaday inay garab istaagi doonaan xukuumada cusub, isla markaana ay ka wada shaqayn doonaan difaaca iyo midnimada shacabka Somaliland.

Madaxweyne Cirro waxa uu dhawr jeer ku celceliyey inuu doonayo in xal nabadeed laga gaadho colaadaha soo noqnoqday ee gobollada Sanaag iyo Sool, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Leave a Reply