Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeeray Xerada Ciidanka Qaranka Ee Birjeex, Cusbitaalka Ciidanka Iyo Miiska Saraakiisa, Xadhigana Ka Jaray Dhisme Dabaq ah Oo Ciidanku Dhistay SAWIRO
Hargaysa 03. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka kormeer ku tegay xerada ciidanka qaranka Somaliland ee Birjeex oo dayac-tir lagu sameeyey, xayndaab cusubna lagu wareejiyey, waxana uu badhtamaha xerada salaan kaga qaatay cutub katirsan ciidanka qaranka, iyada oo uu taliyaha ciidanka Sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani uu kormeerkaas ku wehelinayey.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isaga oo kormeerkiisa sii wata uga sii gudbay cusbitaalka ciidanka qaranka oo uu kormeeray sida uu u shaqeeyo, iyada oo ay sharraxaad ka siiyeen taliyaha ciidanka qaranka, sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo agaasimaha cusbitaalku, waxaanu soo indho-indheeyey qalab caafimaad oo muhiim u ah ciidamada dalka, kaasi oo dhawaan loo keenay ciidanka.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu kormeer ku tegay Miiska saraakiisha Ciidanka Qaranka oo dayactir iyo qalabayn casri ah lagu sameeyey, lagana hirgeliyey dhismeyaal kala duwan oo isugu jira hurdo, fasalo waxbarasho iyo kuwo hadda socda oo loogu talo-galay inay noqdaan goob waxbarasho oo ay ciidanku wax ku baran doonaan.
Dhanka kale waxa uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray dhisme laba dabaq ah oo laga bineeyey xarunta taliska guud ee ciidanka qaranka Somaliland, dhismahaasi oo loogu talo-galay inuu noqdo goob hurdo ay seexdaan martida ciidamada xidhiidhka la leh ee dalka timaadda, waxaanu madaxweynuhu ka qaybgalay sanad guurada 24-aad ee ciidanka qaranka Somaliland oo ku beegnayd shalay oo jimce ahayd balse maanta oo sabti ah lagu qabtay taliska guud ee ciidanka qaranka, isaga oo halkaasna salaam kaga qaatay cutubyo katirsan ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.