Madaxweynaha Somaliland oo ka qeybgalaya shir caalemi ah
Hargeysa (QJ) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ka qayb-galaya shir-madaxeedka dawladaha adduunka oo ka dhacaya magaalada Dubai 11-ka ilaa 13-ka bishan.
Sida laga soo xigtay madaxtooyadda Somaliland, shirkan waxa ka qayb-galaya madax ka kala socota 30 waddan, waxaana diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha adduunka, maamul wanaagga, iyo tignoolajiyada casriga ah.
Madaxweynuhu waxa uu halkaasi ka jeedin doonaa khudbad uu ku iftiimin doono guulaha ay Somaliland gaadhay, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, dawladnimada iyo dimuqraadiyadda, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada, Xuseen Aadan Cige (Dayr).
“Madaxweynuhu waxa uu jeedin doonaa khudbad taariikhi ah oo ku saabsan geeddi-socodka dhismaha dawladnimada Somaliland iyo horumarka dimuqraadiyadeed ee ay gaadhay,” ayuu yidhi Xuseen Dayr.
Safarkan ayaa noqonaya kii labaad ee uu Madaxweynuhu ku tago Imaaraadka muddo bil iyo badh ah. Booqashadiisi hore waxa uu kulamo la yeeshay madaxda Imaaraatka iyo shirkado maalqabeen ah oo Somaliland u ballan qaaday maalgashi.
Shir madaxeedka dawladda adduunka oo la asaasay sannadkii 2013, ayaa sannadkiiba mar lagu qabtaa magaalada Dubai, waxaana hoggaaminaysa dawladda Imaaraadka Carabta.