Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Jawaabay Dacwad Ka Dhan Ahayd Masuul Dawladeed Oo Musharraxa KULMIYE Magacaabay!!
Hargaysa 20. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Wareegto kaga jawaabay Dacwad ay Guddiga ilaalinta Anshaxa Doorashadu ka soo saareen Agaasimaha fulinta Komiishanka la dagaalanka Aids-ka Somaliland Cabdikariin Axmed Muxumed (Xinif) oo Musharraxa Madaxweynaha KULMIYE ku daray Guddiga soo Xulista Muraaqibiinta Doorashada ee Xisbiga.
Dacwaddan oo Guddiga ilaalinta Anshaxa Doorashada ee Komiishanku hore ugu gudbiyeen Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, balse uu Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Sharmaarke Axmed Muxumed (Geelle) uu isku dhaafiyey Madaxweynaha, ayaa Madaxweynuhu wuxuu Shalay ka soo saaray Wareegto, waxaanu wareegtadaasi ku sheegay in Agaasimaha fulinta ee Komiishanka la dagaalanka Aids-ku aanu ka mid ahayn Shaqaalaha Dawladda ee lagu maamulayo Sharciga Shaqaalaha Dawladda ee joogtada ah.
Wareegtada Madaxweynaha oo nuqul ka mid ah ay shabakada qurbejoog heshay ayaa u qornaa sidan:- “Markaan Helay, Qoraalka Talo-bixinta Gar-yaqaanka Guud ee Qaranka ee Summaddiisa tahay TIX/XGGQ/X/H/72/2017, kuna taariikhaysan 12/10/2017-ka, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa
in Shaqaalaha Dawladda ee aan loo ogolayn ka mid noqoshada iyo ka qayb-qaadashada Ololaha Axsaabta Siyaasaddu ay yihiin Shaqaalaha Joogtada ah ee Dawladda.
in Agaasimaha fulinta iyo Agaasimeyaasha kale ee Komiishanka Qaran ee Aids-ku aanay ka mid ahayn Shaqaalaha Joogtada ah ee lagu Maamulayo Sharciga Shaqaalaha Dawladda.”
Allaa Mahad Leh
Axmed Maxamed Siilaanyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.