Madaxweynaha Somaliland Oo Isla Caawa Qallinka ku duugay Dhaqan-galka Xeerkii Takaaliifta Waddooyinka
Hargaysa 24.Sep 2013 (SDN)- Warsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Qasriga Madaxtooyada kuna saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha J.S.land uu dhaqan galiyay Xeerka Takaaliifta Horumarinta Wadooyinka
Warsaxaafadeedka ayaa u dhignaa Sidan : Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2048/092013
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF- 22/620/2013 ee ku taariikhaysan 24/09/2013 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka Xeer Lr. 64/2013.
Wuxuu Soo Saaray
Dhaqan-galka Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka Xeer Lr. 64/2013 ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Xeerkan ayaa Golaha Wakiiladu ay Maanta Cod aqlabiyad leh ku Meel mariyeen ansixintiisa .
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com